Guduumiye Aadan Madoobe oo Ka hadlay Ujeedka Safarka uu ku Tagay Garoowe

aadanmadoobe

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Garoowe ku soo dhaweeyey Guddodoomiyaha Golaha Shacabka BFS ahna ku-simaha Madaxweynaha JFS, Mudane Aadan (Madoobe) iyo wefti uu hoggaaminayo oo kasoo kicitimay Muqdisho.

Munaasabada Soo dhaweynta oo ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ayaa sidoo kale waxaa qayb galay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Duqa Garoowe, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada DPL, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuummada Puntland, Xildhibaanno kamid DFS, Saraakiil & dadweyne kale.

Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS uu ku yimid Puntland waxaa ku wehliya Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BFS, iyadoo inta Garoowe joogaan ka shaqeyn doonaan nidaaminta Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, Waxaana sanadihii hore shirarkan lagu qaban jiray dalka dibadiisa.

Weftiga Guddooniyaha Golaha Shacabka ayaa markii ay soo degeen waxaa loo gudbiyey qaybta nasiinada ee Garoonka, halkaas oo ay kula hadleen Warbaahinta, iyagoo faah faahin ka bixiyey safarkooda iyo mudada uu qaadan doono.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo soo dhaweeyey weftiga ayaa uga warbixiyey xaalada Puntland oo ah mid wanaagsan, isagoo sheegay inta ay joogan Garoowe weftiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay ku marti qaadi doonaan kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo socda xilligan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.