Madaxwayne Xasan oo Maydka dadkiisa ay wadooyinka yaalaan ayaa u dhoofay Suudan

xasanshekkh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa caawa gaaray magaalada Khartuum, halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta, ayaa isaga iyo wafdigiisa waxa ay ku sii jeedaan dalka Aljeeriya.

Madaxwayne Xasan kuma fiicnayn inuu safar dalka dibadiisa aado iyadoo dad badan oo ku dhintay qaraxii soobe wali la aasin qaarna la layahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.