Deni iyo Ra’iisalwasaare Xamse oo Kulan u Gaara ah Muqdisho ku Yeeshay

deni

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xalay la kulmay  Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa salaam kadib ,isla soo qaaday qoddobo dhawr ah oo ay ugu horreeyaan xaaladda amniga ee dalka iyo gurmadka loogu jiro xal u helidda abaaraha sababay barakaca malaayiin ruux.

Kulanka waxaa ka qaybgalay La taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Dib u heshiisiinta, Cali Cabdi Awaare iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.