Sawiro:’Riisul Wasaaraha XFS oo sagootin hoygiisa ugu sameeyay Safiirka Qadar ee Soomaaliya

xamse

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa casho sharaf sagootin ah hoygiisa ugu sameeyay Safiirka Qadar ee Soomaaliya, Xasan Bin Xamsa Hashim.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Safiirka hawshii uu ka qabtay Soomaaliya intii uu ahaa Danjiraha dalka Qadar u fadhiya magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qadar uu yahay mid soo jireen ah, isla markaana ay Xukuumaddiisa ka go’an tahay inay sii xoogeyso iskaashiga labada waddan u dhaxeeya.

Safiirka oo dhowaan uu beddeli doono Safiirka cusub ee Qadar ay u soo magacawday Soomaaliya, ayaa waxa Ra’iisul Wasaare Xamse uga mahad celiyey wadashaqeynta iyo xiriirka soo jireenka ah, isaga oo si gaar ah uga mahadnaqay munaasabadda cashada ah iyo hadiyado uu guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaruhu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.