Guddoomiyaha Hiiraan iyo xildhibaano ayaa gaaray deegaanka Jicibow oo shalay jab loogu gaystay Al shabaab

cali jeyte

Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte , saraakiil ciidan iyo xildhibaano ka tirsan golaha shacabka BJFS, oo ay ka mid yihiin xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu, Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadi iyo Maamulka degmada ayaa gaaray deegaanka Jicibow ee hoos taga magaaladda Buulaburde ee gobolka Hiiraan.

Wafdigaan iyo ciidanka la socday ayaa dhiiri-galin iyo garab istaag ugu tagay Ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo jab xooggan shalay deegaankaasi ku gaarsiiyay Khawaarijta al Shabaab.

Dadka deegaanka ciidanka xoogga dalka ayaa wali ku hareereysan buur ay ku jiraan haraadiga Khawaarijta Al shabaab kuwaasi oo ciidanka ay doonayaan in nolosha ay kusoo qabtaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.