Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Farxaan Qaroole

Aadanmadoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaranka iyo guud ahaan ummaadda Soomaaliyeed uga tacsiyey geerida taliyihii Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir Alle ha u naxriistee Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) oo ku shahiiday qarax-miino ah oo ay u aaseen kooxda argagaxisada ah ee Al Shabaab.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee General Farxaan Maxamuud Aadan (Qarooole).”

Guddoomiyaha ayaa marxuumka Ku tilmaamay inuu ahaa halyeey xiliyo adag uso shaqeeyay qaranka, waqtigiisana inta ugu badan Ku bixiyay difaaca dadkiisa, dalkiiisa iyo diintiisa.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa ugu dambeyn ehelka marxuumka iyo shacabka Soomaaliyeed Alle uga baryey inuu ka siiyo samir iyo Iimaan, waxaana uu tilmaamay in Faxaan uu yahay shahiid u dhintay qarankiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.