Shabaab oo Gubay Guryo Shacab oo Ku yaala Deegano Ka Tirsan Hiiraan

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in argagaxisada ay gubeen guryo dad shacab ah deganayeen oo ku yaala deegaanka Ceel-Jiqoow oo u dhaw degmada Maxaas ee gobolkaas.

Sida uu ku soo waramayo wariyaha warbaahinta Qaranka ee gobolka Hiiraan Ibraahim Geedi, maleeshiyada Al-shabaab ayaa sidoo kale, qaraxyo ku xiray ceel biyoodkii ku yaalay deegaanka Ceel-Jiqoow oo dadka iyo xoolaha ka biya cabi jireen sida ay sheegeen qaar kamid ah bulshada deegaanka.

Hiiraan waxaa ka socda howlgal kala duwan oo ay ay wadaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee hubka qaatay kuwaasi oo Shabaab dagaalo adag kula jira.

Howlgalka ciidamada xoogga dalka iyo kacdoonka bulshada gobolada dhexe waxaa uu suuro geliyay in awood ahaan la wiiqo Shabaab ayna ku jabeen dagaalada socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.