Qoorqoor oo Daahfuray Shir Lagu heshiisiinaayo Beelaha Galmudug

Qoorqoor

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa daah furay Shirwaynaha Guud ee Dib -U-Heshiisiinta Reer Galmudug, kaas oo maanta ka dhacay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta dowladda Galmudug.

Shirkan madaxweynuhu uu daahfuray ayaa hordhac u’ah goglo dib-u-heshiisiineed oo la dhigayo degmooyinka Galinsoor iyo Balanbal kuwaas oo lagu heshiisiinayo beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay in ay heshiis dhab ah qaataan beelaha dirirtu dhaxmartay, isagoona xusay in argagixisadu ay ka faa’iideesanayso dagaal beeleedyada si ay u dhexmarsadaan danahooda gurracan, sidaas darteedna ay heshiiyaan beelaha, una heshiiyaan argagixisada sida haatanba degmooyinka qaar ee Galmudug ay uga socdaan dadaalada xoogan ee kadhanka ah argagixisada.

Dhanka kale, madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa faray Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, in si degdeg ah ay u dhigaan gogosha degmooyinka Balanbal iyo Galinsoor si loo sii anba qaado ka shaqeynta nabadda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.