Madaxtooyada Soomaaliya oo Joojisay Shirarkii jaraa’id ee ay Qaban Jirtay

kaar

Madaxtooyada Dowlada Soomaaliya ayaa Joojisay Shirkii Jaraa’id ee afhayeenka Madaxwaynaha Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar bulshada kula wadaagi jiray Safarada Madaxwaynaha iyo Qorashada Dowlada ee ku salaysan Somali heshiis ah dunidana la heshiis ah.

Hakadkaan la galiyey shirkii Jaraa’id ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inay timid kadib markii Safaradii tira badnaa ee Madaxwaynaha Soomaaliya ay noqdeen kuwa lagu qasaaray, sida kii Lagu fasaxaayey Khaadka kenya, Madaxwayne Xasan oo ilaa iyo hada dalka kusoo celin Ciidamadii Eratariya lagu toobabaraayey.

Dhanka kale Dowlada Soomaaliya iyo xiririkii shacabka ayaa xumaaday, waxaana aad u batay dilalka shacabka loogu gaysto Muqdisho iyo weerarada Alshabaab oo Xoogaystay.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya horay raali galin iyo cudur daar ka bixiyay hadal uu warbaahinta kasii daayay oo uu ku beeninayay inay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar ay kawada hadleen muranka webiga Nile.

Afhayeenka madaxtooyada, Cabdikariin Cali Kaar, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in labada madaxweyne ay kawada hadleen muranka webiga Nile, ayna ku heshiiyeen in dhammaan khilaafaadka gobolka lagu dhammeeyo si wadajir ah oo nabad ah.

‘Waxaan ka cudur daaranayaa in si khaldan la ii fahmay oo aan si khaldan u soo qaatay sharraxaadkii aan ka bixiyay hadalkii Madaxweyne Sisi uu ka sheegay shirkii jaraa’id ee wadajirka ahaa ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku qabtay Madaxtooyada Al-ltixaadiya,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.