Sawiro:Saraakiisha Amniga oo Amray Inay Ka Jawaabaan Xasuuuqii Argagixisadu U geysteen Shacabka

ciidan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoonshay shirka amniga Hirshabeelle.

Kulanka ayaa looga hadlay amniga guud ee deegaannada Hirshabeelle, xogaha dhaqdhaqaaqyada argagixsda iyo howlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa faray saraakiisha ciidamada in si degdeg ah looga howlagalo xureynta deegaannada gacanta cadowga ku jira oo dadkeedu ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin kala duwan, isagoo saraakiisha amniga u jeediyay inay ka jawaabaan xasuuqa argagixisadu ka geysteen deegaanka afar irdoodka ee Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay falkii foosha xumaa ee argagixisadu ku laayeen dad shacab ah, kuna gubeen hantidoodii, waxaana uu ku baaqay in si wadajir ah looga qeybgalo howgallada lagu ciribtirayo argagixisada Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.