115 BERI KADIB DALKEENA SOOMAALIYA XAGGEE U SOCDAA? W/Q DHIBLAAWE

rooble

Doorashadii madaxweynaha 15/05/2022 maqaal aan qoray,wuxuu nuxurkiisu ahaa in la aasay wadadii Soomaaliweyn ee halgankeedu bilooday 15/05/1943di

Iskama dhehin ee waxaan qaymeeyey doorashadii gobolada dalka ka dhacday iyo maamulkii X resulwasaare Rooble iyo kooxdiisii oo natiijadoodu ku dhammaatay Teendhada Afisyoone.

Bal qaymeeya maalintii uu Rooble xilka la wareegay iyo maalintii uu UHUURU uu macawista uu u guntiyey intee beri u dhexeysay, markii ummadda Soomaaliyeed la yaabtay wuxuu ku qanciyey in uu soo celinaayo xiriirkii xumaa ee dhawr dal nagala dhexeeyey, wuxuuna safaro aan kala go, lahayn ku kala bixiyey dhammaan dalalkii xurguftu naga dhexeysay.

haddaba suurtagal ma ahayn in Rooble soo celiyo xiriirka dalalkaas oo waxaa jirey awoodo ka sareeya sida madaxweyne iyo golayaasha dawlada,waxayse ahayd in uu dhaqaaale ku raadsado in ay faragelin ku yeeshaan doorashadii dalka ka socotay.

Waxaadna la socoteen in Kismaanyo kuwii lagu doortay Keenya maamusha loona duuliyey Neyroobi halkaasna lagu hayey ilaa laga soo gaaray doorashidii madaxweynaha, bal dib u milicsada awoodii qaawaneyd ee loo adeegsaday in doorashadii Garbahaarey la geeyey Ceelqaaloow, dhanka kale wakiilo Imaaraadka ka socda baa talo iyo maalgelinba ku bixinaayey kuwii lagu doortay Garoowe iyo Boosaaso, waxayna gunaanadkii noqday wixii Afisyoone ka dhacay oo ahayd siddii Rooble iyo cadawga dalku ka wada shaqeeyeen. (BILOOW XUN DHAMAAD XUN BUU KU DANBEEYAA).

Boqol iyo toban iyo shan maalmood ka dib xagge u soconaa,bal aan eegno waxa dhacay:-

1-Madaxweynahii la doortay wuxuu qaaday wadadii Rooble horay u jeexay, asaga oo booqasho ku tegay dalalkii aanaan xiriirka wanaagsan lahayn ayyada oo golahii wasiirada la dhisin oo uusan wadan hal wasiira, dawlad kastana waxaa loo soo saxiixay wixii dana ah oo ay ka lahayd  Soomaaliya oo aanaan waxba ku bedelan ilaa in saxaafadu warisey in saxiixyada qaarkood lagu qaatay min 5,ooo,ooo oo doolar.

2-muqdishow waxay martigelineysaa qaraxyo iyo dilal joogta ah.

3-Amaankii waxaa uga sii daray Ciyaalweero oo ka dhalatay wixii ay ugu yeeri jireen Badbaado Qaran.

4-Madaxtooyadii dalka oo qarameysnayd oo la beeleeyey.

5-Saraakiishii denbiyada qaran galay oo xilalka looga dhigay iyo derajada oo loo soo celiyey.

6-Hay’adihii dawlada kuwii ugu muhiimsanaa masuuliintii Alshabaab iyo kuwo lagu tuhunsan yahay loo gacangeliyey.

7-Maamul goboleedyadii oo shalay oo taariikhdu ahayd 30/08/20022 ku dhawaaqay in aysan la shaqeyn Karin DF.

Aan soo gunaanadee aan is weydiino awoodii dalka ee gacanta loo geliyey Mahad Salaad, Fiqi, Buqaari, Saadiq Joon,Warbac oo dhammaantood ka tirsanaa wixii ay ugu yeereen badbaado qaran iyo Rooboow oo ahaa ku xigeengii Alshabaab golayaasha dalka, madaxda kale ee dawlada iyo dawlad goboleedyadu kalsooni iyo isku halayn ma kula shaqayn karaan?

Baarlamaanka, golaha wasiirada iyo hay’adaha kale ee qaranka sow uma muuqdaan in haddii sida la rabo laga waayo qaraxyo Alshabaab loo saariyo lagu layn doono oo la beegsado?

Jawaabta waxaan u daayey akhristayaasha,waxaanse odorasayaa in aan soomaaliya is haysan doonin haddii aan Golaha Baarlamaaanka aan Alle ku soo duwin in ay saxaan khaladka halista badan oo ay ka galeen qaranka Soomaaliyeed iyo naftoodba.

W/Q. DHIBLAAWE.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.