Daawo:Maleeshiyaad Kasoo Duulay Galinsoor oo Dhabad ku laayey Shaqaalo miino bariis

Xananbuure

Rag hubeysan oo ah maleeshiyo beeleed kasoo duulay Magaalada Galinsoor ayaa weerar ku qaaday Xarunta hay’ad ka shaqeysa Miino baarista ee Hello Trust oo Xarun ku leh Degmada Dhabad ee waqooyiga Gobolka Galgaduud waxayna gaysteen qasaaro isugu jira dhimasho iyi Dhaawac.

Inta la xaqiijiyey laba kamid ah shaqaalaha hay’adda ayaa ku geeriyooday weerarka, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen, Sida a6 sheegeen maamulka Degmada Dhabad.

Gudoomiyaha Dhabbad aadan Cabdinuur Galaal ayaa faahfaahin ka bixiyay Dhacdaas ka dhacday Dhabbad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.