Nin Dil ka Gaystay Caabudwaaq oo Goob Fagaara ah Lagu Toogtay

Cw

Magaalada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta lagu qisaasay Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) oo dhawaan halkaas ku dilay Allaha u Naxariistee Taliye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug G/le Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis Xaawo Cumar Geelle.

Goobta lagu fulinayay xukunka oo ahayd bartamaha Caabudwaaq ayaa waxaa ku sugnaa, Ehelada Marxuumiinta, Maamulka Degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Caabudwaaq.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybteeda Galmudug ayaa dhawaan xukun dil ah ku ridday Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) kadib markii lagu helay in dil bareer ah uu bartamaha degmada Caabudwaaq ugu geystay Taliye ku xigeenkii Ciidanka NISA ee Galmudug G/le Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis Xaawo Cumar Geelle.

1 Comment

  1. Wuxuu dhadhamiyay
    Wixii uu abuurtay
    Waana in ladilaa
    Qofkii qof dillaa wado
    Kale majirto oo lajojiyaa
    Manta laqaadanaayo illaa
    Aay ahayen kama waayo
    Qof baad dilikartaa adigoon
    Ukasayn laakiin arinkaan Barrera ah ee cabudwaaq 5lookadagan yahay farmaajo
    Noosheegaye qoyo ayay wadawataan sidii dad dagaal
    Diyaar u ah
    Somalia dowlad xoogan ayay ubahantahay runtii
    Oo madaxa kajaraa dalimiinta

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.