Daawo:Ra’iisul Wasaaraha Xamse warbaahintu dhexdhexaad kama noqon karaan dagaalka lagula jiro argagixisada

Xamze

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre oo latashiyo ku saabsan dhismaha xukuumadda la qaadanaya qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, ayaa maanta qaabilay maamuleyaasha warbaahinta ka howl-gasha gudaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay bahda saxaafadda, in xukuumaddiisu ay mudnaan siinayso daah furnaanta shaqada dowladda iyo xogsiinta shacabka, waxa uuna tilmaamay doorka ku aaddan wacyigelinta bulshada ee dhinacyada amniga iyo la dagaallanka fikradaha argagixisada ee laga sugayo warbaahinta in ay dardar geliyaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.