Ra’iisalwasaare Xamse oo Gollaha Shacabka Waydiisanaya Mudo kordhin

barlamaan

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxaa ay kulan gaar ah ku yeelan doonaan Xarunta villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu yahay Codsi uga yimid Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre, sida lagu shaaciyey Qoraal kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka.

Raโ€™iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Xildhibaanada Golaha ka codsan doona in loo sameeyo waqti kordhin uu ku doonayo inuu kusoo dhigo  Xukuumad cusub, waxaana la filayaa inuu dalbado in 10 cisho oo dheeraad la siiyo oo uu ku soo dhiso Golihiisa Wasiirada, maadaama maalinta berri ku egtahay 30 cisho oo ahaa muddada uu heystay inuu Golaha Wasiiro ah ku soo dhiso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.