Dagaal Qasaaro gaystay oo U dhaxeeya Shabaab iyo Liyuu Boliiska ayaa ka dhacay Degaanka Soomalida

Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Liyuu booliska iyo dagaalyahannada Shabaab ayaa maanta duhurkii ka dhacay deegaanka Laas-qurun oo aan ka fogeyn xarunta degmada Feer-Feer.

Ciidamada Liyuu Booliska ayaa la sheegay inay dagaal ku qaadeen dagaalyahannada Shabaab oo kasoo tallaabay dhinaca Soomaaliya.

Rasaasta ayaa la sheegay in laga maqlayo Feer-Feer oo qiyaastii 20 km u jirta goobta lgu dagaalamaya oo ah gudaha xadka itoobiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.