Daawo:Guddoomiye Sacdiyo Firinbi oo Si Diiran loogu soo dhaweeyey Muqdisho kadib Safar ay ku aaday Turkiga

sacdiyofirinbi

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin  Samatar ayaa maanta dalka dib ugu soo laabatay ka dib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay ugu maqneyd dalka Turkiga.

Guddoomiyaha iyo wafdigeeda waxaa goroonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda.

Marwo Sacdiyo Yaasiin Samatar oo hadal kooban jeedisay ayaa u mahadcelisay xildibaanada iyo xubnaha wasiirada ee soo dhoweeyay, waxayna sheegtay in natiijo wax ku ool ah kala soo laabatay safarkii shaqo ee ay ku tagtay dalka aan walaalaa nahay ee Turkiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.