Sawiro:Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo furtay shir u dhaxeeya Wasaaradda iyo Bangiga Adduunka

Wasiir

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka H.E. Drs Fowziya Abiikar Nuur, ayaa maanta magaalada Nairobi ka furtay shir u dhaxeeya Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka kaas oo socon doona muddo labo todobaad ah.

Ujeedada kulanka ayaa ah sidii looga wada hadli lahaa mashaariicda Caafimaadka ee uu Bankiga Aduunka ka taageerayo Soomaaliya,

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya waxay gundhigtay dhowr mashruuc oo Bangiga Aduunku taageero kuwaas oo Caafimaadka dalka muhiim ah.

Mashaariicdan ayaa gacanweyn ka geysan doonta xoojinta Nidaamka Caafimaadka iyo bixinta adeegyada caafimaadka oo ay heli doonaan malaayiin qof oo ku nool dalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan Wasaaradaha Caafimaadka Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Agaasinka Caafimaadka Gobolka Benadir (BRA), Qaar kamida Agaasimayaasha Wasaaradda Caafimaadka iyo koox ka socota Bangiga Adduunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.