Dagaal Qasaaro loogu gaystay Al-Shabaab oo maanta ka dhacay Waajid

dagaal

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hor tegay weerar ay doonayeen nabadiidka Al-Shabaab inay ku qaadaan magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

Dagaal kooban oo maanta ka dhacay duleedka Waajid ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyey nabadiidka Al-Shabaab, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha Waajid.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Koonfur Galbeed ayaa noo sheegay inay ka hortageen weerarkii argagixisada Al-Shabaab oo khasaare xoogan ay gaarsiiyeen kooxda, isla markaana ay dhawaan soo bandhigi doonaan xogta dagaalkaaas oo dhameystiran.

Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay kamid tahay magaalooyinka waaweyn ee gobolka Bakool ee waqti hore laga xoreeyey kooxdaan nabadiidka ah ee Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.