Akhriso:Magacyada Rag Loo Haysto Falal Argagixiso oo Puntland xukuno dil iyo xabsi ah ku riday

puntland

Maxkamadda ciidamada ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa saakay xukuno dil iyo xabsi isugu jira ku riday shabakad ku eedaysan inay ka tirsan yihiin argagixisada Al-Shabaab.Shabakadaas oo ka kooban lix xubnood ayaa afar ka mid ah lagu xukumay dil toogasho ah, halka labada kalena lagu riday xukuno xabsi ah.

Ragaas waxaa loo heystaa inay dilal iyo qaraxyo ka geysteen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Maxkamadda ayaa dil ku xukuntay ragga kala ah:

1 – Farxaan Faysal Salaad

2 – Cabdullaahi Faysal Xuseen

3 – Barkhad Cawil Xirsi

4 – Liibaan Aaden MuuseSidoo kale Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi ayey Maxkamaddu ku xukuntay 30-sano, halka Cabdiraxmaan Cawil Maxamed ay ku xukuntay 20 sano oo xabsi ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.