Taliska Booliska oo Amar Kusoo Rogay Ganacsatada Bakaaraha ee Fuliya Amarka Al-Shabaab

boliis

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgalo ka sameeyay gudaha Suuqa Bakaaraha iyagoo goobo dheeraad ah ka furtay Gudaha suuqa bakaaraha.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in xaaladda Suuqa Bakaaraha ay caadi tahay oo amniga sugan yahay, isla markaana Ciidanka Booliska ay dhex joogaan.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in goob Ganacsi oo kamid ah Suuqa Bakaaraha lagu xiro amar aan aheyn kan dowladda, isla markaana cid kasta oo isku dayda in amar kale goobo Ganacsi ku xirto ay ka qaadi doonaan tallaabo sharci ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.