Rooble oo codsaday in Ciidamada laga Soo cesho Magaalada Baladwayne

rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashooyinka dalka, amniga, gaar ahaan ciidanka la geeyay Beledweyne iyo  baqdin gelinta argagixisadu ku hayaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in ciidammada la geeyay magaalada Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro, laguna celiyo xeryahoodii.

Golaha ayaa sidoo kale ka dooday cabsi gelinta argagixisadu ku hayaan ganacsatada Soomaaliyeed ee Suuqa Bakaaraha, waxaana la faray Wasaaradda Amnigu in ay qaaddo tallaabooiynka ku habboon.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.