Daawo:Booliiska oo Muqdisho ku Qabtay Doon siday Maandooriyaal

boliis

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa Xalay gacanta ku dhigay doon siday waxyaabaha maanka dooriya, taas oo lagu soo bandhigay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Doonta ayaa la sheegay inay ka soo shiraacatay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana gacanta lagu dhigay ragii waday, kuwaas oo caawa xabsiga loo taxaabay.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya waxay maalmihii lasoo dhaafay si xariir ah ugu guuleysteen howlgallo ka dhan ahaa waxyaabaha maanka dooriya oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa gacanta lagu dhigay warshado lagu sameyn jiray maan-dooriyaha, sidoo kale waxay hey’adaha ammaanku gubeen noocyada kala duwan ee maan-dooriyaha, iyadoo gacanta lagu dhigay dadkii ka ganacsa jiray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.