Alshabaab oo Burburiyey Goobo Mahiim ah oo ku yaala Ceeldheere ee gobolka Galgaduud

ceeldheere

Kooxda argagixisada Al-Shabaab ayaa xalay burburiyay xarumo mahiim ah oo ku yaala Deegaanka Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud waxaana hakaday isu socodka gadiidka iyo shacabka isaga gooshaya Dhuusamareeb iyo Guriceel sida ay sheegayaan wadayaasha gadiidka.

Goobaha ay burburiyeen kooxda argagixisada Alshabaab ayaa waxaa kamid ah degmada, taliska booliska iyo saldhig ay ku lahaayeen milatariga Soomaaliya ka dib markii ay weerar ku galeen.

Deegaanka Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud waxa uu magaalo madaxda galmudug ee Dhuusamareeb u jiraa 30 KM, waxaana saldhigyo ciidan ku leh Ciidamada Dowladda Federaalka & kuwa Daraawiishta Galmudug si ay u ilaaliyaan nabadgalyada isu socodka Xarunta Galmudug iyo Degmada Guriceel.

Maamulka Galmudug weli kama hadlin qasaaraha ka dhashay weerarkii ay alshabaab kula wareegeen Ceeldheer iyo cida hada ka rimisa magaaladaas.

Maalin ka hor ayay heyd markii Al Shabaab sidaan oo kale u weerareen degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan Halkaasi oo ay ku burburiyeen saldhiga booliska iyo xarunta degmada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.