Akhriso:Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Magaalada Jowhar

qarax

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Waxgarad, Xildhibaano iyo dad shacab ah.

Qaraxa oo laga maqlay meelo kala duwan ayaa lala eegatay Mas”uuliyiin ka Tirsan Maamulka Hirshabeelle.

Qaraxa oo ilaa haatan aan la cadeynin noociisa ayaa waxaa ku dhaawacmay laba Xildhibaan oo ka Tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

Xildhibaanada ku dhaawacmay qaraxanó ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cumar Maxamed Cumar,Yuusuf C/dir Karaani.

Sidoo kale waxaa qaraxa ku geeriyooday mid kamid ah Nabadoonadda Hir-Shabeelle oo la yiraahdo Nabadoon Abdulaahi Suleeymaan Cumar Coosey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.