Dowlada Soomaaliya oo Muqdisho ka Hirgalisay Xarun u adeegta dadka shaqo goobka ah

muqdisho

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray xaruntii u horreysay ee Adeegga Shaqo Abuurka Qaranka .

Xarunta oo laga hirgaliyay gudaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , ayaa door weyn ka qaadanaysa dadaallada lagu dhimayo shaqo la’aanta ay wajahayaan Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada. Adeegyada ay xarunta qabanayso waxaa ka mid ah, tababarada iyo diyaarinta dhallinyarada waxbaratay sida ay uga faa’iideysan lahaayeen  suqa shaqada ee dalka.

Adeegyada muhiimka ah ee xarunta ay qaban doonto, waxaa sidoo kale ka mid ah inay fursadaha shaqo ee Dalka ka jira gacan ku siiso dhallinyarada, iyadoo oo ay intaa dheertahay horumarinta xirfadaha , waxaana lagu diyaariyay xarunta dhammaan adeegyada u ah howlaha ay qabanayso.

“Maalin muhiim ah ayay inoo tahay maanta, waxaana si rasmi ah  u daahfuray xarunta adeegga shaqo abuurka Qaranka, oo dhallinyarada u diyaarinaysa inay ka faa’iideystaan fursadaha shaqo, sidoo kale tababaro iyo dooddo ayay xaruntan martigalin doontaa.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen.

Daah-furka xarunta waxaa ka qaybgalay saraakiil sare oo ka tirsan Hay’adda Save the Children oo gacan ka geysatay hirgalinta xaruntan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.