30 Jirkii 30ka Milyan Haystay oo dhaleecayn ujeediyey Turkiga

elitehotel

Wasiirka Amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur ee dhawaan Rooble Wasiirka ka dhigay, ayaa raalligelin ka bixiyay dhaleecayn uu u jeediyey dowlada Turkiga.

Hadalka wasiirka ayaa daba socday hadal heyn baraha bulshada qabsatay oo ku saabsaneyd inuu wasiirku Twitter-kiisa ku sii faafiyay qof qoraal ku weeraray dowladda Turkiga.

Hase yeeshee Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in “telefoonka oo jeebkiisa ku jira uu dhacay fal celiskaas”, isaguna uusan waxba ka ogeyn. Waxa uuna eedeeyay dadka sii faafiyay arrintan.

“Waa wax laga xumaado in qaar ka mid ah bogagga baraha bulshada lagu siyaasadeeyo faainta uu jeebkeyga ku sameeyay twitter, jahwareer kasta oo arrintaas kama’a ah ay cid walba ku keentayna waxaan ka bixiyay raalligelin,” ayuu ku qoray Twitter-kiisa.

Qofka qoraalka ku weeraray Turkiga ayaa yiri: “Turkiga wuxuu Itoobiya ku fatahay drones kaddibna wuxuu muwaadiniintiisa ku boorriyay inay si deg deg ah uga baxaan Addis Ababa.”

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa markii dmabe boggiisa ka masaxay faafinta uu ku sameeyay qoraalkaas hadal-heynta dhaliyay.

Xigasho BBC

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.