Waa kuma Xildhibaanka ku Guulaystay Kursigii Jawaari ee Doorashadiisa la Hakiyey

jawaari

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa Maanta oo Axada ka dhacday doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya Kaas oo uu horay ugu fadhiyey gudoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekhl Cismaan Jawaari .

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in  Maxamed Cali uu ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP103, isla markaana waxaa uu helay codad gaaraya 78 Cod, halka Musharaxii la tartamay uu isna helay 18 Cod, halka afar Cod ay halaawday.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP103 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana doorashada kursigaas shalay hakiyey Guddiga doorashada heer Federaal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.