Abiy Axmed oo Gurmad Waydiistay Dalalka Dariska ah kadib markii ajaanib Itoobiya ku Soo duushay

abiyaxmed

Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Taageero Ciidan Waydiistay dalalka Dariska la ah Itoobiya sida Soomaaliya, Jabuuti iyo Eratria kadib markii lagu soo dhawaaday Magaalo Madaxda Itoobiya ee Addis Ababa.

Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay Wollo ay ku lug lahaayeen ciidammo aan Itoobiyaan ahayn.

Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed ayaa shaaca ka qaaday in ciidammo aan Itoobiyaan ahayn ay ku biireen kooxaha argagixisada ah ee dagaalka kula jira.

Ra’iisul-wsaare Abiy Axmed ayaa madaxda sare ee dowladda uga war-bixiyay arrimaha taagan. Caddaan aan Itoobiyaan ahayn ayaa ka qeyb-qaatay dagaalka, waxa ayna naf-hurnimo la galeen kooxda argagixisada ah ee TPLF.

Abiy Axmed ayaa sheegay in ay soogurmadeen shacab aad utiro badan laakiin tirada shacabka soogurmaday oo aad ubadnayd ayna dawladu diyaar garaw kufilan kasamaynin sidii loo maarayn lahaa, islamarkaana ay haatan dawladu sibuuxda ugu diyaargarawday sidii loo maarayn lahaa gurmadka shacabka lana diyaariyay Istiraatiijiyad laguhagayo.

Waxaa kale oo uu sheegay in ayna habayaraatee wax shaki ah kaqabin in lagu guulaysandoono dagaalka.

Ugu dambayntii Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa shacabka ugu baaqay in lasiikordhiyo taageerada ciidamada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.