Mahdi Guuleed oo noqday Xildhibaankii Ugu Horreeyay Ee Golaha Shacabka Oo Goor Dhow La Doortay

mahdi

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mahdi Guuleed ayaa ku guuleystay kursiga Koowaad ee dooroshada Golaha shacabka BJFS ee deegaan dooroshadoodu tahay Gobolada Waqooyi.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa helay 97 cod halka musharaxa la tartamayey Mushtaaq Ibraahim Yuusuf ay heshay Seddex Cod waxaana halaabay hal cod ka mid ahaa codadka 101 ergo ee codeysay.

Ra’iisul Wasaare Xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidaas ku noqoday xildhibaankii u horeeyey ee kusoo baxay doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka aha ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.