Rooble oo kormeeray goobta ay ka dhacayso doorashada gobolada waqooyi

rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada xilgaarsiinta Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kormeeray goobta ay ka dhacayso doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi (Somaliland) ee dugsiga tababarrada booliska ee General Kaahiye si uu ugu kuurgalo u diyaar garowga doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Waqooyi ee SEIT iyo saraakiisha amniga doorashada, isagoo kula dardaarmay in ay si hufan u maamulaan howsha doorashada oo la qorsheynayo in ay berri bilaabato.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.