Madaxweynaha Galmudug oo lagu soo dhaweeyey Magaalada Guriceel

qoorqoor

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa gaaray MagaaladaGurceel ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo si weyn loogu soodhaweyay.

Madaxweynaha ayaa waxaa Guriceel kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, oo ay ku jiraan Saraakiil, Maamulka Guriceel iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Magaalada Guriceel ayaa afartii maalmood ee lasoo dhaawafay waxaa ka socday dagaal dhiig badani ku daatay, kaasi oo bur-bur iyo barakac xooggan ka dhaliyay, kadib markii ay si weyn ugu dagaalameen Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug oo dhinac ah iyo Ahlu-Sunna.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.