Sawiro:Rooble oo kormeeray dekadda Muqdisho

rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer ku tagay dekadda Muqdisho,isagoo u kuurgalay habsami u socodka howlaha dekadda.

Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay Wasiirrada hay’adaha dhaqaalahah dalka  iyo mas’uuliyiinta amniga dekadda ayaa ka dhageystay warbixin ku saabsan horumarada dekadda iyo wada shaqeynta hay’daha kala duwan ee ka howl gala dekadda oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay hay’adahan in ay xoojiyaan wada shaqeynta dhexdooda ah, tayeynta iyo dardar gelinta adeegyada dekadda ayna dhowraan hufnaanta nidaamka dakhli ururinta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.