Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo

lafatagareen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe Maanta Dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meel gaarka uah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka dib Safar shaqo oo Maalmo qaatay oo ugu maqnaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa  Socdaalkiisa Magaalada Muqdisho waxa uu ahaa sidii Garwadeen uga noqon lahaa khilaafka u dhaxeyey Ra’iisul wasare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo oo ugu Dambayn Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ku guulaystay in khilaafkaas ay ka heshiiyaa Madaxda ugu saraysa Dalka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Labada Golle Dowlada,Saraakiisha Laamaha Amniga,Maamulka Gobolka kan Degmada Baydhabo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada uga Mahadceliyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.