Daawo:laftagareen oo qaabiley guddiga taakuleynta dadkii Laascanood laga soo masaafuriyey

laftagareen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Gudiga Taakulaynta Walaalaha laga soo musaafuriyey Magaalada Laascaanood ee Maamulka Soomaliland.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn warbixin ku saabsan waxyaabaha uqabsoomay ka dhagaystay Gudiga waxaana ay tilmaameen in waxba ay ku guuleysteen sida helida goobo ku meel gaar ah oo ay dejiyeen Barakaciyaasha ka warqabka Caafimaadkooda iyo Noloshooda.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Umahadceliyey Gudiga.”waxaan idinkaga mahadcelinayaa garab istaagaa aad u-muujiseen walaalaha laga soo musaafuriyey magaalada laascanood ee maamulka soomaliland dadaalka wadajirka aad geliseen waa mid mudan amaan iyo bogaadin, kan dowlad ahaan waxaa naga go’an in sida ugu dhow aan wax ugu qabano shacabka masakiinta ah ee sida qaabka daran loola soo dhaqmay inagoo kaashanayna dowlada federaalka iyo saaxibada beesha caalamka.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa xusay in sida ugu dhow Dadka lasoo Musaafuriyey Magaalada Laascanood ee Gobolka Sool loogu samayn doono dib udejin iyo Weliba ka Warqab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.