Daawo:Uhuru oo ka horyimid Go’aankii Maxkamada Bada

Uhuru

Madaxweynaha Dalka Kenya, ayaa ka horyimid xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee qeybta libaax Muqdisho ka siiyay murankii badda ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta, ayaa ka digay in go’aanka Maxkamadda ICJ ay inta badan baddii lagu muransanaa ay ku siisayay Soomaaliya uu waxyeelayn doono xiriirkii ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha Kenya waxa uu gebi ahaanba ku gacanseeray xukunka ay maxkamadda ka soo saartay badda la sheegay inay ceegaagaan gaaska iyo naaftada, isagoo sheegay in arrintaasi ay isbaddel wayn ku keeni doonto horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeedba, ayna halis gelin doonto ammaanka gobolka Geeska Afrika.

Waxa uu markale ku celilyay baaqiisii ahaa in wadahadal oo kaliya lagu soo afjari karo muranka.

Madaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhankiisa Kenya ugu baaqay inay ixtiraamto sarraynta qaanuunka caalamiga ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.