Rooble oo aan daacad ka ahayn Kiiska Ikraan ayaa is hortaag ku sameeyey Diyarada Turkiga

rooble

Dowlada Jabuuti ayaa Magaalada Jabuuti ku xanibtay diyaaradaha Turkey Airline oo ay saaranaayeen Shacab iyo saraakiil uu kamid yahay Fahad Yaasiin, waxaana amarkii lagu hor istaagay bixiyey Ra’iisalwasaaraha Xukuumada Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed xusuub rooble sida ay xaqiijiyeen Maamulka Garoonka diyaaradaha Jabuuti.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabbuuti ayaa sheegay in dhammaan rakaabkii la socday diyaaradda Turkish Airline ee maanta lagu xannibay garoonka Jabuuti lagu celanayo meeshii ay ka yimaadeen ee magaalada Istambul ee dalka Turkiga.

Wasiirka oo qoraal kooban ku daabacay boggiisa Twitter ayaa sheegay  in rakaabkan ay dib diyaarad kale uga soo raaci doonaan Istambuul si ay u gaaraan magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.