Madaxwaynaha Hirshabeele oo bilaabaya Magacaabista musharaxiinta Aqalka Sare

guudlaawe

Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Gudlaawe Husseen oo saacadaha soo socda ku dhawaaqaya Musharaxiinta Aqalka ku matalasya Hirshabeele ayaa maanta kulan la qaatay Gudiga Doorashada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeele ayaa Gudiga Kala hadlay u diyaar garowga qabashada Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxuuna Gudiga Doorashada Baarlamaanka Hirshabeele la wadaagay inuu ku dhawaaqayo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sarre.

Maamulka Hirshabeele ayaa ah Maamulkii ugu dambeeyey ee qabanaya Doorashada Aqalka Sarre ee Soomaaliya, waxaana daaha keenay Qilaaf kajira Hirshabeele.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.