Galmudug oo Qarka u saaran Burbur iyo Fashil ku yimaada Madaxda Sarre

Qoorqoor

Maamul Goboleedka Siomaaliyeed ee Galmudug ayaa waxuu wajahayaa burbur, Xasilooni daro iyo Musuq maasuq baahan oo curyaamiyey Wasaaradaha kala duwan ee maamulka Galmudug iyo Xafiisyada Madax waynaha iyo kuxigeenkiisa.

Wasaaradaha Galmudug waxaa jira Musuq maasuq iyo dhunsasho dhaqaalihii loogu tala galay in wax looga qabto baahiyaha ka jira Deegaanada Galmudug Sida amniga horumarka, caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo wax ka qabashada baahiya aasaasiga ah.

Xafiiska madaxda ugu sareysa Galmudug ayaa waxay hormuud ka yihiin musuqmaasuqa curyaamiyey Wasaaradaha Galmudug ugu mahiim sida Amniga, Arimaha Gudaha, Qorshanta, eaxbarashada, Caafimaadka, duulista iyo hawada iyo wasaarada dekadaha.

Dhanka kale Galmudug waxaa ka jira Colaad iyo dagaal beeleedyo u dhaxeeya beelaha daga Galmudug kuwaas oo hurinayaan madaxda u sareysa Galmudug.

Waxaa kaloo galmudug u sii dheer dagaal balaaran oo ay ku hayaan kooxda argagixisada alshabaab kuwaas oo dhawaan gadiid dagaal oo tira badan ka qabsaday Ciidamada daraawiishta Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.