Qoorqoor oo Soo dhaweeyey guulaha laga Gaaray howlagalada lagu bacsanayo Shabaab

qoorqoor

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa hambalyo u diray ciidamada qalabka sida ee guulaha ka gaaray howlagalada lagu baacsanayo argagaxisada.

Taliyaha Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Maxamed Tahliil Biixi oo shir jaraa’id ku qabtay duleedka deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray dagaalkii aaggaas ka socday isla markaana uusan jirin aag dagaal oo ka sokeeya Xara-dheere.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa wado dadaalo ay kooxda shabaab ugu xoreynayaan deegaanada Galmudug , waxaana u suura galay in ay ka saaraan deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.