Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo Tababar u soo xiray Saraakiil ka Qalin-Jabiyay Dugsiga TURKSOM

farmaajo

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay munaasabad tababar loogu soo xirayey Dufcaddii 3-aad ee Layli Saraakiil iyo Dufcaddii 4-aad ee Layli Saraakiil Xigeen ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ka qalin-jebiyey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada maanta qalinjabiyey looga baahan yahay in ay hormuud u noqdaan qorshaha Qaran ee dhismaha Ciidammada Qalabka Sida, safka horena ka galaan dagaalka lagaga xoreynayo dalkeenna argagixisada.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, qalabayntooda iyo tayeyntooda, si dib loogu soo celiyo cududda iyo tayada ay ku tilmaaman yihiin Cidiimmada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in dowladdu ay ku guuleysatay barnaamijka tababarka iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka, iyada oo dugsiyada tababarka ee gudaha dalkeenna lagu leylinayo Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno hanan kara tayeynta iyo hoggaaminta Ciidanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.