Akhriso: jadwalka doorashada Aqalka Sare ee koonfurgalbeed oo la Shaaciyey

doorasho

Guddiya maamulka doorashada heer dowlad goboleed (SEIT) Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay Jadwalka Doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed Soomaaliyeed uga mid noqon doonaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Iyadoo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu shaaciyay Liiska xubnaha u tartamaya Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadana dhinaca kale waxaa la soo saaray jadwalka faah faahsan ee qabashada doorashada Aqalka Sare.

Maanta oo Sabti ah waxaa la shaaciyay Magacyada Musharaxiinta, beri oo Axad ahna waxaa la qabanayaa codsiyada Tartamayaasha, halka maalinta Isniinta oo ku beegan 2-bisha August kulansaneyso hadal jeedinta musharaxiinta xubnaha Aqalka Sare iyo qabashada doorashada, sida ay sheegeen guddiga maamulaya doorashada heer Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.