Axmed Madoobe Oo Soo Gudbiyay Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

axmedmadoobe

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Maanta soo gudbiyay liiska Musharaxiinta qeyb ka mid ah Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xubnahan oo loo gudbiyay Guddiga doorashooyinka Jubbaland (SIET) ayaa ah afar kursi oo lagu tartami doono, waxaana dib ugu soo laabtay Tartanka Senator Fartaag, Ilyaas Gaboose, iyo Senator Iftin Xasan Baasto.

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kan Jubbaland ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe uga mahadceliyay soo gudbinta Liiska Musharaxiinta u tartameysa Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Hoos ka Akhriso Qaar kamida Musharaxiinta axmed madoobe soo gudbiyey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.