Sawiro:Hogaamiyihii Puntland oo Garoowe Dib ugu soo laabtay

deni

Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, safar ugu maqnaa dalka Kenya ayaa maanta lagu soo dhoweeyay Magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaarada ee Garoowe kusoo dhoweeyay, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan , Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Nugaal , Kan Degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.