Gudiga Doorashada Jubbaland oo go’aan kasoo saartay doorashada aqalka sare

jubbaland

Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland, ayaa maanta war-saxaafadeed qabtay ay ku sharraxayaan halka ay wax marayaan iyo shaqooyinkii u qabsoomay muddadii uu guddigu jiray.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland ayaa fariin u diray musharrixiinta u taagan qabashada xildhibaanimada aqalka sare waxayna Fareen in ay isku diyaariyaan ka qeyb qaadashada doorashada dhawaan la qaban doono.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland wuxuu guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ka codsanayaa in ay magacabaan guddi doorasho oo heer Baarlamaan ah oo guddiga hirgalinta kala shaqeyn doona qabashada doorashada xildhibaanada aqalka sare” waxaa sidaas warbaahinta u sheegay guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.