Sawiro:Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo furay shirka Wasaaradaha Waxbarashada

Wasiir

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12ka Luulyo 2021 magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ka daah furay shirka Wasaaradaha Waxbarashada Dawladda Federalka, Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo ku saabsan sidii la’isaga kaashan lahaa horumarinta iyo tayeynta Waxbarashada dalka, loona xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Wasaaradda Waxbarshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Agaasinka Waxbarshada Gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, waxaana si gaar ah loogu falanqeyn doonaa yagleelidda Golayaasha Horumarinta Manhajka iyo Imtixaanaadka iyo madasha iskaashiga Wasaaradaha Waxbarashada Dawladda Federaalka, Dawlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Kulankan waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullahi Abuukar Xaaji, Cabdullahi Carab waxaana uu hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in dalku yeesho Manhaj mideysan oo tayo leh, si ubadka Soomaaliyeed u helaan waxbarasho tayo leh oo xambaarsan falsafad, dhiri-gelineysana xirfadaha nolosha iyo koboca dhaqaalaha dalka.

Kulanka waxaa sidoo kale ka hadlay dhammaan Wasiirada Waxbarashada Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ballan qaaday inay ka go’an tahay horumarinta iyo tayeynta Waxbarashada, waxayna uga mahad celiyeen Wasaaradda Waxbarashada Heer federaal oo soo qaban-qaabisay kulanka iyo Dawladd Goboleedka Puntland  oo martigelisay shirka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.