Dowlad Degaanka Soomaali oo Digniin U Diray Shakhsiyaad Taageeray TPLF

cagjar

Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in aysan u dul-qaadan doonin shakhsiyaadka sida ay sheegtay u gacan-haadinaya ururka TPLF, oo hadda u muuqda in uu soo rogaal celiyay kadib markii uu toddobaadkan qabsaday magaalada Mekelle.

Kulan uu yeeshay golaha fulinta ee Dowlad Deegaanka, uuna shir guddoomiyayay madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa lagu sheegay in ururka TPLF uu sanado badan dhibaatooyin dhanka dhaqaalaha iyo bulshada ah ku hayay Soomaalida Itoobiya.

Wasiirka warfaafinta deegaanka, Cali Baddal Muxumed, oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in mar kasta ay jecel yihiin in aan “la uus duugin” taaiikhda ay soo mareen shacabkooda.

“Waxaan muujineynaa in TPLF ay yihiin urur dhibaato u geystay shacabka Soomaalida oo dhankeenna ay ka yihiin urur dembiilayaal ah,” ayuu yiri wasiirka.

Mar wax laga weydiiyay walaaca ay ka qabaan jiritaanka dad taageersan TPLF oo ku sugan gudaha deegaanka, ayaa wasiir Cali Baddal waxa uu sheegay in arrintu hadda ay marayso digniin oo qura.

“[Waxaa dhici karta] in shakhsiyaad laga yaabo inay si gaar ah faa’iido ugu qabeen [TPFL] inay joogi karaan. Annaga oo ka duuleyna wadajirka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed ayaa laga yaabaa in aan xisaabtan adag ama taariikhdii 30-ka sano aan dib ugu noqon. Marka haddii ay dhacdo, waa digniin aan u digeyno in dadka noocaas ah ay ka waantoobaan, haddii kale lala xisaabtamayo oo taariikhda dib loogu noqonayo,” ayuu sheegay wasiirka.

Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in xilligan aysan jirin baahi ay ciidamadooda ugu diraan gobolka Tigray si ay u xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah jabhadda dowladda ka soo horjeeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.