Maamulka Hirshabeele oo ka horyimid Shirka Maamul Goboleedyada iyo Dowlada

guudlaawe

war qoraala oo ka soo baxay Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeele ayaa waxaa kaga horyimaadeen Shirka dowlada federaalka iyo Maamul goboleedyada Muqdisho Maanta ka furmaya.

Warkaan kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeel ayaa sidaan u qornaa.

Dowlada Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir berri uga furmaya Magaalada Muqdisho.

Dowladda Hirshabeelle maadaama aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii kasoo baxa ma noqon doonaan wax quseeya Dowladda Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Hirshabeelle waxa ay dhowri doontaa fulinta Heshiiskii 17dii September iyo kii 27dii May ee lagu saxiixay Magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.