Cabdikariim Guuleed oo soo dhaweeyay magacaabista guddiyada doorashooyinka

cabdikariimxuseen

Madaxwaynihii Hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah murashixiinta xilka Madaxtinimo ee dalka ayaa soo dhaweeyay magacaabista guddiyada hirgelinta doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee uu caawa magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Mudane Cabdikariim ayaa xusay in tani ay tahay tallaabo wanaagsan oo dhanka dedejinta hirgelinta doorashada loo qaaday, waxaana qoraal uu bartiisa soo dhigay u qorneyd sida tan:-

“Waxaan soo dhaweynayaa Magacaabista Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad goboleed iyo heer dowlad dhexe intaba, waxaan u arkaa tillaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka toosan ee dedejinta hirgelinta doorasho la isla ogol yahay, kuna qabsoonta xilliga loo asteeyey.

Waxaa hubaal ah in dalku dhibaato badan ay ka soo gaartay ismari waaga siyaasadeed ee ka taagna qabsoomidda doorashooyinka Qaran, kuwaas oo keenay fadhiidnimo dhaqaale iyo dib u dhan siyaasadeed.

Waxaan ku baaqayaa in la soo dhaweeyo dadaalada ay wadaan Xukuumadda iyo Madaxda dowlad goboleedyada isla markaana horey loo socdo, si dalku u galo doorasho xor iyo xalaal ah una horseedda Dalka deganaansho iyo xasilooni siyaasadeed iyo mid Amni”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.