Ciidamo uu wato Jeneraal Odawaa oo Hawgal ka sameeyey Shabeellaha Dhexe

odawaa

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgallo qorsheeysan kawada Degaano katirsan Gobolka Shabeelaha dhexe, Howlgalka oo uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraaal Odawaa Yuusuf Raage, ayaa Ciidanka waxay ka fuliyeen Degaanada War dhagax, war ciise, Gaal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere, oo dhamaantood ka tirsanGobolka Shabeelaha dhexe,  kuwaasi oo ay si dhuumaaleeysi ah kujoogeen Maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Cali Xaashi, ayaa Warbaahinta qaranka usheegay in maleeshiyaadkii ku dhuumaaleeysanayay  deegaanadaas ay isaga carreen wuxuu intaas kudaray inuu jiro qasaare xoogan oo argagixisada gaarsiiyay.

Sidoo kale Afhayeenka waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada ay weli howlgalka sii wadaan, isla markaana la filayo inay degaano horleh oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kala wareegaan Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.